Rabshadaha gurigu waa nooc kasta oo la xidhiidha habdhaqanka xun ee ka dhex dhaca dadka waaweyn iyo dhalinyarada, kuwaas oo la xidhiidha marka qof isku dayo in uu isticmaalo awood si uu u xukumo kuwa kale. Rabshadaha ka dhaca guriga waxay saameyn wayn ku yeelata qaybaha kala duwaan ee qoyska, waxay badanaa dhibaato u gaysataa dhibanahayasha sida (caruuurta iyo haweenka), kuwaas oo ku nool deegaan ka ay rabashadu sidaa caadiga ka dhacaan. Rabshadaha gurigu waxay ka dhacan aqal kasta ama guri kastaa oo ku yaal aduunka dushisa. Hase ahaate waxay ku badan yihin oo ay ka dhacaan meelaha ay ku badan yihin dadka saboolka ah. haweenka iyo caruurta ku nool deegaanada ay ka dhacaan rabashaduhu, haweenka iyo caruurta ku nool degaankaas waxay la kulmaan khataro fara badan kuwaas oo halis galinayaa Jawiiga noloshooda buuqna ku abuuraya.

Somaliland, meelaha ay ku nool yihin dadka danyarta ah waxaa lagu calamaadiya meelaha ay ka jiraan dhaqaale xumo, dakhli dhaqaale oo yar, heelitaanka adeeg yada waxbarashada iyo adeega aasaasiga ah yar yihin, kaabayaasha dhaqaaluhu badana ma taaageeran nolosha dadka ku nool deegaanadaas. Sidaa awadeed ilaha dakhligooda ugu weyn wuxuu ku xidhan yahay xoolaha iyo ka ganacsiga ganacsiyo har yar. Haweeku awood uma laha awood ay caruurtooda wax ku bari lahayeen si ay uga Gacan gaystaan horumarintaa noloshoda. Haweenku waxay la kulmaan dhibatooyinka xaga sharciyadda, kuwaas oo khatar galinayaa, khal khalna ku abuuraya horumarintooda, taas oo dhalin karta in ay burburan xidhidhkooda qoys.

Isbahaysiga ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah haweenka Somaliland, waxay qoraalkan kaga hadlayaan sababaha keena rabshadaha ka dhaca qoyska dhexdiisa, waxyeelada ka dhalata rabashadaha ka dhaca guryaha, iyo saameynta ay ku ledahay haweenka iyo caruurta, iyo sidaa ay u sameeyan ka hortaga iyo ka jawaab celintaa, adeegyadda sharciga iyo caafimaadka ee jira.
Astaamaha ugu caansan ee sababa rabshadaha ka dhex dhaca qoyska, waa mid ay sababtay isku . dheelitir la’aanta awoodeed ee ka dhex jirta qoyska. Rabshadda gurigu waxay ku dhici karaan da’kasta, Jinsiyad, dakhli kasta, iyo heerarka waxbarasho ee dadku leeyihin. Waxaa kale oo muhiim ah in fahmo duruufaha guudaha, dhibaatoyinka ku dhaca shaqsiyadka, sidaa in ninku ama naagtu ay qorshenayaan in ay burburiyaan xidhidhkooda, kuwaas oo marka horee ku noola saboolnimo iyo xaalad nololeeda oo liidata, shaqo la’aan, dhibaatoyin xaga maskaxda kaas oo sababa inay kala tagaan.

Somalialnd, Waxa jiraa daraasado dhawr ah oo laga sameeya xaaladan , kuwaas oo bandhigayaa sababaha ugu waaweyn ee abuura rabashadaha qoyska, isticmaalka daroogada sida ( qaadka, kamriga, iyo kuwa kale oo badan) iyo heerka shaqo ee la;aant badan ee ka jirta Somaliland. Sida caadiga ah dhacdooyinka rabshadaha guryaha ka dhaca sida “arrimaha qoyska” Haween badan lagu wareeystay daraasada ay soo sareen Isbahaysiga ka hortaga tacadiyadda ka dhanka haweenka ee Somaliland sanadkii 2017, waxay tilmaameen, in heerka shaqo la’aantu iyo isticmaalka qaadku ay aad u sarreyso, dayacaad qosyka iyo isbedelka maamulka qosyku, raga ayaa badana sabab u ah rabashadaha ka dhaca qosyka.

Caruurta ku dhalata deegaanada ay rabashadaha gurigu yihiin qaar aad u badan, waxay la kulmaan inay dib uga dhacaan bulshada, caruurtaasi waxay arkeen sawiro ku soo noqnoqanaya maskaxdooda, sidoo kale waxay markhaati ka yihin waxa ka dhacayaa qoyskoda. Waxay la kulmaan cawaaqib xun oo saamayn wayn ku yeesha koritaankooda wakhtiga caruurnimada. Marmarka qaarkoodna waxay ku reeban rabashadahaasi saameyn aad u xun. Caruurta ka timaada guryaha rabashaduhu ka dhacaan, kuwaas oo goob jog u ah xadgudubyadda ku dhacayaa hooyadood ee uu ku sameeyay abahood, waxay la kulmaan xaalada caafimaad oo maskaxadaa, waxayn goob jog ka noqdaan ama markhaati ka yihiin sidaa xun ee aabahood ula dhaqmo hooyadoo.
Caruurtan waxaa lagu gartaa inay la il daran yihiin dhibaabtoyiin aad u qotodheer, iyo murugo maskaxeed. Badanaa carruurta ku dhex barbaarta bulshada, halkaas oo rabshadaha qoysku ay ku badan yihiin, waxay yeeshan dabeecado aad u xun xun, badankoodu waxay ka baxaan dugsiyadda waxbaashadooda, waxay ku biiraan ugu danbayn dhalinyaradda koox kooxda u samaysan, waxay bartaan daroogadda iyo qaadka, marmarka qaarkood waxay ku kacaan ficilo xun xun, sidaa boobka iyo in ay waxyeeleyaan dadka ee bulshada.
Caruurta la dayacay ayaa caan ku ah guryaha ay ka dhacaan rabashadaha, halkaas oo hooyooyinka ay dhib kasoo gaadho aabaayaasha, dayacaadan ayaa dhalisa in tiro caruur ahi ay waayaan xuquuqdooda ee barbarinta, daryeelka, ilaalinta iyo waxbarashada. Caruurta goob jog u ah rabashadaha ka dhaca guriga, waxay muujiyaan dabeecado aad u adag, waxay dareemaan shucuur adaga taas oo dhalisa in ay ku dhacan cabsi, dembi ceeb iyo mararka qaar inay ku dhacdo hurdo la’aani, waxbarashadooda oo noqota mid liidata, maalin walba waxay ku jiraa jawi murugo, xanaaq iyo niyad jab leh. Hooyadooda sidoo kale waxay noqta mid aan awoodi Karin inay ka hortagto rabashadah ka dhaca guriga.

Badanaa, haweenku waxay isticmaalan hab ay ula qabsadaan dhibaatadooyinka qoyskooda dhacda, iygaa oo ku jiraa xidhidh aad u dhiban kuwaas oo ay ku tageerayaan qoyskoodu, halkaa dumarka qaarkooda ay go’aansadaan inay dalbadaan furin, laakiin marmarka qaarkooda tani waxay u keenaysa dhibaato badan oo ku dhacda caruurtooda. Waxay kale oo ay go;aansadaan inay xidhiidhkaas adag ay ku nooladaan si ay u ilaashadaan caruurtooda. Sidoo kale haweenka dhibkaas ku dhacay waxay noqdaan qaar la macaamila dabeecadaha ay leyihiin lamanahodu. Haweenka qaar waxay leyihin kooxo haweena oo ka tageera dhibaatada ku dhacday qoskeeda, iyaga oo ka caawinayaa shaqadda guiga, waxayna ku dhiri galiyaan inay bartaan caafimaadka iyo sidaa ay u kobcin lahayeen gaaradka caruurtoda.

Gunaanad / Talo soo jeedin

Waxay caan ku tahay bulshada Soomaaliyeed, caruurta ku barbartaa guryaha ay ku dhacaan rabashaduhu inay galan xaalada aad u khatar ah, kuwaas ay noqdaan qaar si xun u isticmaala daroogada iyo Qaadka.
Caruurta iyo haweenka ku nool guryaha rabshaduhu ku badan yihin waa inay taageero ka helaan eheladooda deriskooda, dowladda iyo hay’adaha kale ee bixiya adeegyada nafsaniga ah iyo caafimaadka. Waalidku waa inuu dhagaystaa carruurta waa in anay agtooda ku dagalamin, lana dhawro caafimaadkooda iyo kori taankooda. Aabuhu waa in uu noqda mid raca dariiqi rasulka SCW tusale wanagsan u noqdaa ubadkiisa.

( Waxa Soo Saaray, Isbahaysiga ka hortaga Tacadiyadda ee Somaliland)

Share this:https://www.facebook.com/Wordalngo/

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *