(Waxa Soo Saaray, Isbahaysiga ka hortaga Tacadiyadda ee Somaliland)

Tacaddiyada waxa loo aqoonsan yahay inuu yahay mushkilad ugu weyn ee adduunka ka dhacda. Haweenka iyo habluhu waxay la kulmaan tacaddiyo kala duwan, kuwaas oo ka dhaca meelo kala duwan, sida guryaha iyo goobaha shaqada. Tacaddiyada ayaa lagu tilmaamay midda ugu badan xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha, sidaa darteed, tacaddiyada ka dhanka ah haweenku waxay mujiinaysaa sinnaan la’aanta bulsho ee ka dhaxaysa haweenka iyo ragga.

Marka aynu eegno, Somaliland, cilmi-baadhis la daabacay bishii February ee sannadkii 2017-kii oo ay sameeyeen Isbahaysiga Ka-hortagga Tacaddiyada ka Dhanka ah Haweenka Somaliland, kana sameeyeen labada gobol ee Maroodi-Jeex iyo Togdheer, waxay warbixintu iftiiminaysaa, sababaha ugu waaweyn ee keena tacaddiyada ka dhanka ah haweenka ku nool Somalilan inay tahay isbeddel ku dhacay maamulka guriga oo sabab u ah shaqo la’aanta jirta, dayaca ka yimid waajibaadka ragga iyo khilaafad ka dhashay ilaha dhaqaale ee qoyska oo hoos u dhacay,  kor-u-kaca shaqo la’aanta iyo isticmaalka maandooriyaha, sida qaadka. Warbixintu waxay sheegaysaa inay raggu dayaceen mas’uuliyadda dhaqaale, taasina ay noqotay in haweenku ay buuxiyaan doorkii raggu ku lahaa qoyska, shaqo la’aanta baahsana ay keento inay isku dhacaan mas’uulkii qoysku. Isbeddelka ku yimid doorka ragga iyo shaqo la’aanta baahsan ayaa sabab u noqday rabashado ka dhaca qoysaska dhexdooda.

Si kastaba ha noqotee, waxa jira kiisas la xidhiidha tacaddiyada ka dhanka haweenka, kuwaas oo ka dhici kara goobaha shaqada, marmarka qaar waxa dhacda in haweenka ku cusub shaqada ama aan lahayn xirfado shaqo oo aad u saraysa in si dadban looga faa’iidaysto, haweenka da’da yar ayaa aad ugu badan halista tacaddiyada ka dhici kara goobaha shaqada, kuwaas oo la kulmi kara ka faa’iideysi. Badanaa rabshadaha ugu badan waxay ka dhici karaan goobaha dawliga ah, goobaha aan dawliga ahayn, goobaha waxbarashada, waxayna u dhici kartaa qaabab kala duwan oo ay ka mid yihiin inay haweenku la kulmaan faraxummeyn, handidaad, kufsi, aflagaadayn, xad-gudubyo, cagajuglayn iyo qasbid. Sidoo kale waxa ka dhici kara cabsi-gelin iyo hanjabaad dagaal oo ku salaysan in shaqada laga eryi doono, badanaa waxay dhammaan kuwaas kor ku xusan ku dhici karaan hablaha da’da yar ee aan lahayn xirfadda shaqo oo aan ku filnayn iyo inay ka timid qoys danyar ah, taasina ay keento in si fudud looga faa’iidaysan karo.

Xaaladaha tacaddiyada ka dhaca goobaha shaqada waxay saameyn ku yeeshaan haweenka iyo hablaha da’da yar, badanaa waxa dhacda inay shaqadooda ku waayaan tacaddiyada ka dhaca goobaha shaqada iyo inay shaqada uga maqnaadaan sababo la xidhiidha dhibaatada ay kala kulmaan goobaha shaqada. Waxaa dhaca badanaa inay yaraato awoodda ay xoogga ku saari lahaayeen shaqadooda, waxayna hoos u dhigtaa waxqabadkooda, tana waxay keentaa in mushaharkooda laga joojiyo, taasina ay kalsooni daro ku rido inanta shaqallaha ah, ugu danbayn ay noqot qof shaqada ka taga. Inta lagu jiro xaaladahan, haweenka qarkood waxa qasab ku noqota inay la jaanqadan dabeecadaha qalafsan ee ku abuura niyad jab, balse ay awood u yeeshan inay shaqadooda sii wadan karaan, haweenka aan awoodda u lahayn dhibaatoyinka shaqada dhexdeeda ka dhici kara, waxay noqdaan kuwo u nugul dhibkaas, taasina waxay keentaa in laga faa’iidaysan karo daciifnimadooda, ugu dambeyntiina ay noqdaan qaar is dhiiba, si ay shaqadooda u sii wataan durufo nololeed ee ku xeeran awgeed.

Khataraha noocan ahi waxay ku badan tahay goobaha shaqo ee mushaharada laga qaato aanay kafayn karin nolosha qofka shaqaalaha ah, shaqaalaha tabarucaad ku shaqeeya ee shaqada sugaya, gaar ahaan goobaha laga qaato mushaharka rasmiga ah iyo goobaha shaqo ee aan lahayn nidaam isla xisaabtan.

Waxa jira haween Soomaaliyeed oo fara badan, kuwaas oo ka shaqeeya goobaha ay ka mid ka yihiin guryaha, huteelada, goobaha Caafimaadka, hay’addaha dawladda iyo kuwa aan dawliga ahayn, shirkaddaha yaryar, suuqyada iyo kuwa ku ganacsada waddooyinka waawayn, goobahan waxa badanaa ku badan ragga, taasina waxay khatargalisaa inay haweenku la kulmaan tacadiyo kala duwan.

Dastuurka Somaliland wuxuu siiyey haweenka iyo hablaha Somaliland xuquuq dhammaystiran. Qodobka 20-aad ee dastuurka, farqaddiisa 2-aad waxay sheegayaa; “Ka shaqeysiinta carruurta, haweenka, shaqeynta saacadaha habeenimo iyo goobaha shaqada, fasaxyada iyo saacadaha shaqada waxaa qeexaya Xeerka Shaqada.”

Dhinaca kale, qodobka 36-aad ee dastuurka Somaliland, ayaa si guud uga hadlay xuquuqaha ay leeyihiin, kaasoo u qoran sidan;

  1. Xuquuqda, xorriyaadka iyo waajibaadka Dastuurku xaqiijiyey, haweenku ragga way ula siman yihiin, wixii Shareecada Islaamka midkood u gaar yeeshay mooyaane.
  2. Xukuumaddu waa in ay dhiirri-gelisaa, xeerna ka soo saartaa xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay ka xoroobaan dhaqamada aan Shareecada waafaqsanayn ee waxyeelada u leh jidhkooda iyo damiirkooda.
  3. Haweenku waxay xaq u leeyihiin in ay hanti yeeshaan, maamulaan, kor­meeraan, adeegsadaan, gudbin karaan si Shareecada waafaqsan.
  4. Si sare Ioogu qaado aqoonta iyo dakhliga haweenka iyo weliba daryeelka qoyska, haweenku waxay xaq u leeyihiin in loo fidiyo waxbarashada dhaqaalaha qoyska iyo in loo furo dugsiyada farsamada iyo xirfadaha gaarka ah iyo kuwa waxbarshada dadka waaweyn.

Sidoo kale, xeerka caalamiga ee ka kortagda tacaddiyada iyo takooridda haweenka, ayaa muhiim ah in lagu dhaqmo, lana ilaaliyo.

Sidaa daraadeed, haweenka iyo hablaha Somaliland waa inay bartaan xuquuqahooda aasaasiga ah, isla markaana waa inay bartaan hababka lagaga hortagi karo, lagana jawaab celin karo kiisaska ka dhici kara goobaha shaqada ee dammiirkooda iyo sharaftooda waxyeelaya.

Waajibaad ayaa saaraan shirkadaha, ururada, hay’addaha gaarka loo leeyahay, hay’adaha dawladda, sida ay ay haweenku u heli lahayeen deegaan shaqo oo ay ku badbaadi karaan, deegaankaasina waa in uu noqdaa mid lagu ilaalinayo xuquuqda haweenka. Haweenka iyo habluhu waxay u baahan yihiin;

  • Inay bartaan dhammaan mas’uuliyadooda, doorka shaqo ee ay leeyihiin, waana inay raacaan qaanuunka anshaxa ee ay leeyihiin hay’adda ay u shaqaynayaan.
  • Waa inay bartaan goobta ugu dhaw ee ay cabashadooda u gudbin karaan ee ku taala goobta ay ka shaqaynayaan.
  • Waa inay bartaan inay shaqada ay ka shaqaynayaan tahay mid ku habboon noloshooda, waa inay qiimeeyaan inay tahay jawi nabad-doon oo ay haweenku ku shaqayn karaan.
  • Haweenku waa inay bartaan sida loo soo gudbiyo wixii dhibaato ah ee ay kala kulmaan goobaha shaqada.
  • Haweenku waa inay bartaan sida ay u heli lahaayeen adeeg caddaaladeed, haddii dhibaato ka soo gaadho goobaha shaqada, sida kufisga, faraxumeynta, haddidaada iyo cago juglaynta. Waa in aanay gabadhu ka aamusin dhibka soo gaadha.

Maqaalkan koobani wuxuu soo jeedinayaa talooyinkan; dawladda iyo mas’uuliyiinta goobaha shaqadu waa inay dhiirigeliyaan xuquuqda haweenka ee jirta goobaha shaqada. Hay’ad waliba waa inay soo saarto siyaasadda ama qawaaniin lagaga difaaco haweenka rabashadaha ku saleysan faquuqa iyo ka faa’iideysiga ee ka dhaca goobaha shaqada. Sidoo kale, maqaalkani wuxuu ugu baaqayaa haweenka Somaliland in ay bartaan xuquuqdooda aasaasiga ah ee dastuurka siiyey.

Share this:

No comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *